Malaayiin dad ah oo ku kala nool daafaha adduunka ayaa ka warqaba in Black Friday ‘Jimcaha Madoow’ ay dhowaan imanayso – 29ka Noofambar – haddii ay doonayaan in ay lacag kharash gareeyaan iyo haddii kaleba.
Daaqadaha dukaamada iyo sanduuqyada iimaylka waxaa ka buuxa farriimo ah “Imika iibso!” “Ha seegin!” iyo “heshiisyadu waxay dhamaanayaan dhawaan!” fariimaha.
Muddadaas ayaa dukaamada iyo tafaariiqlayaashu waxay si ku meel gaar ah ay hoos u dhigaan qiimahooda si ay ugu dhiirigeliyaan dadka dukaamaysanaya inay ka qayb qaataan iibsiga ayaa xilli hore ku soo korortay dhaqanka Maraykanka taas oo hadda caalamka oo dhana ku faaftay.
Laakiin sidee Black Friday ama Jimcaha Madow u noqday mid ka mid ah taariikhaha wax iibsiga ee ugu mashquulka badan sanadka iyo sababta tani aysan had iyo jeer ugu ahayn war wanaagsan macaamiisha?
Waa goorma Black Friday asalkeeduse halkee ayay ka timid?
Jimcaha Madoow waxay dhacdaa toddobaadka afraad ee Noofembar, maalinta ka dambaysa Thanksgiving, maalinta fasaxa ee Maraykanka.
Asalka ereygu wax shaqo ah kuma laha dukaamaysiga: tixraacii ugu horreeyay ee jimcaha madow wuxuu ahaa 1869 ka dib xiisaddii dhaqaale ee ka dhalatay hoos u dhaca qiimaha dahabka.
Jimciha Madow ayaa sidoo kale ahaa sida ay booliiska Philadelphia ku tilmaameen degdegga iyo ciriiriga dukaameysiga ee magaalada oo ay sababeen dadka dukaameysanaya.
Sanadihii 1980-meeyadii, ereyga waxaa dhanka wanaagsan u rogay ganacsato tafaariiqleyaal ah: Waxay bilaabeen in maalintaas ay u baddalaan maalin fa’iido.
Waxay markaas ka dib noqotay maalin la sameeyo qiimo dhimis aad u weyn si ay dad badan ugu yaacaan bandhigyada dukaamada gudaha Mareykanka. Cyber Monday, oo ah Isniinta ku xigta Black Friday ayaa ah weedh la sameeyay dhawaanahan si kor loogu qaado wax iibsiga online-ka ah.
Jimciha Madow ayaa tan iyo markaas ku sii faafay dalalka iyo qaaradaha kale ee adduunka, inta badan intarneedka.
Intee in la’eg ayay weyntahay Jimcaha Madoow?
Cilmi baaris ay sameysay shirkadda software-ka Mareykanka ee Salesforce ayaa lagu qiyaasay in macaamiisha adduunka ay kharash gareeyeen $70.9bn kaliya marka la eego khadka internet-ka intii lagu guda jiray xilliga iibka ee 2023 – 8% in ka badan 2022.
Boqortooyada UK halkaas oo iibkii ugu horreeyay ee Jimcaha Madow laga bilaabay 2010, waxa ay meesha ka saartay dhacdadii wax iibsiga ee soo jireenka ahayd ee waddanka – iibka Maalinta Boxing Day, oo bilaabanaysay xilliga Kirismaska.
Macaamiisha adduunka ayaa sannadkan la filayaa inay maalintan kharash gareeyaan ku dhawaad $9bn, sida ay sheegtay shirkadda la-talinta ee PwC.
Afrika gudaheeda, adeegga lacag-bixinta khadka ee PayU ayaa sheegay in tirada wax kala iibsiga ee la shaqeeyay hal maalin gudaheed – 24kii Noofambar, 2023 – ay 83% ka sarreyso mugga maalinlaha ah ee Nigeria, Koonfur Afrika iyo Kenya.
PayU waxa kale oo ay sheegtay in Argentina, in kasta oo ay jirto dhibaato dhaqaale, ay hadana diiwaangelisay 104% kororka ganacsiga e-commerce intii lagu jiray Jimciha Madow ee sannadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee Black Friday ma aha maalinta wax iibsiga ee ugu weyn ee caalamiga ah ee bisha Noofambar.
Oo macaamiisha Faransiisku waxay isu diyaarinayaan Vendredi Fou (Jimcaha waalan).
Shiinuhu waxa uu leeyahay maalim wax iibsi u gaar ah, Maalinta doobabka, ama iibsiga bonanza taas oo socota dhawr toddobaad, oo ku eg 11 November.
Mexican-ka waxay leeyihiin El Buen Fin de Semana – usbuuca wanaagsan ee Isbaanishka – qiyaastii 20-ka Noofambar, oo ah fasax qaran.
Bariga Dhexena, Jimcaha Madoow waxaa loo yaqaan Jimcaha Cad sababo diimeed awgeed maadaama Jimcaha ay maalin barakeysan u tahay Islaamka.
Run miyaa oo Black Friday ma bixisaa qiima dhimista ugu fiican?
Jawaabtu ma fududa.
Gudaha UK, daraasad ay sameeyeen kooxda macaamiisha ee Group Which? 2022 waxa la ogaaday in todobadii heshiis ee Black Friday mid ka mid ah uu bixiyay qiimo dhimis dhab ah, iyo in badi dallacaadyada ay ahaayeen kuwo ka jaban ama qiimo la mid ah lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee MoneySavingExpert, oo ah mareegaha macaamiisha ee hormuudka ah, ayaa sanadka 2023 falanqeeyay 50 caan ah oo ka raadiyay alaabooyin – inta badan kuwa tignoolajiyada , waxayna ogaatay in 35 ay ka jaban yihiin Jimcaha Madoow marka loo eego wax yar ka hor Christmas-ka, oo ku beeganayd 19-ka Diseembar.
Brazil, macaamiisha qaarkood way qayliyeen markii tafaariiqleyaashu ay soo bandhigeen waxa loo yaqaan “Black Fraud” – dhaqanka kor u qaadista qiimaha maalmo ka hor Black Friday, si markaas loo bixiyo qiimo dhimis.
Dadka wax iibsanaya ee raadinaya alaabaha ayaa sidoo kale looga digay inay feejignaadaan.
Khayaanada ayaa kor u kacda seddex meelood meel marka ay soo dhowdahay Black Friday, sida lagu sheegay falanqaynta Lloyds Bank, iyada oo inta badan khiyaamada ay ka dhacdo dhanka iibsashada dharka.
Bangigu wuxuu sheegay in gudaha UK xadiga khiyaanada uu kor u kacay 29% agagaarka Black Friday iyo Cyber Monday 2021.
Talooyin ku saabsan sida si caqli-galka ah ee wax loo iibsado oo looga fogaado in lagu khiyaano
Iibsashada xiisaha leh ayaa ku badan inta lagu jiro Jimcaha Madow – gudaha Boqortooyada UK, falanqeeyayaasha tafaariiqda ayaa si kaftan ah u tixraacay 3 Diseembar sida “Soo celinta Khamiista”, maadaama alaab badan la soo celiyo maalintaas marka loo eego taariikhda kale ee sanadka, sida uu qabo ururka ganacsiga e-commerce IMRG .
Kooxaha u dooda xuquuqda macaamiishu waxay ka digayaan iibka degdega ah inuu dadka ku adkeeyo inay xakameeyaan kharashaadkooda.
“Xitaa way ka sii adag tahay dhanka internet-ka halkaasoo ay aad ugu sahlan tahay tafaariiqleyaasha inay ku dabaqaan xeeladaha cadaadiska macaamiisha,” Brian Semple, oo ah afhayeenka hay’adda samafalka ee lacagta iyo siyaasadda caafimaadka dhimirka ee fadhigeedu yahay London, ayaa sidaas u sheegay BBC.
Talada guud waa in dadku ay laba jeer ka fikiraan ka hor intaysan taaban ama furin boorsadooda.
Laakiin khubaradu waxay sidoo kale ku talinayaan qaar ka mid ah tillaabooyinka aasaasiga ah:
- Ha argagixin oo ha ku degdegin wax iibsiga
- Raadso qiimo kala duwan – oo is barbar dhig qiimaha ganacsiyada kala duwan.
- Ka fogow wax ka gadaashada mareegaha aan la aqoon – waxaa laga yaabaa in alaabaha ay iibinayaan ay yihiin kuwa been abuur ah.
- Mar kale ka fakar ka hor inta aadan iibsin
- Hubi in qiimaha tafaariiqleyaashu ay iswaafaqsan yihiin
- Isticmaal kaarka deynta maadaama ay guud ahaan bixiyaan badqab dheeraad ah haddii arrimuhu qaldamaan, oo hubi in dhammaan lacagaha lagu bixiyo goobta aad isticmaalayso