Israel ayaa weerartay Lubnaan ka hor heshiiska la filayo in ay la galaan Xisbullah
Toddobo qof ayaa ku dhintay kaddib markii Israel ay hawada ka duqeysay bartamaha magaalada Beirut sidaasina waxaa sheegay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Sidoo kale wasaaradda waxay sheegtay weerarka lagu qaaday in 37 qof ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday Al-Nuwairi.
Israel waxay duqeysay Beirut saacado ka hor markii golaheeda wasiirada kulan ka yeesheen xabad joojin lala galo Xisbullah. Milteriga Israel ayaa u sheegay dadweynaha in ay ka baxaan meelaha ay duqeynayaan ka hor weerarka.
Qiiq badan ayaa markii dambe la arkayay oo ka baxayay magaalada. Siyaasiin deegaanka waqooyiga Israel ayaa ka carrooday heshiiska suuragalka ah balse afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in heshiiska siinayo Israel in ay sii haysato xorriyadda ay ku sameyneyso howlgalada iyo in dadkii deganaa waqooyiga Israel ay ku soo laabtaan guryahooda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Washington ay culeyska saareyso in heshiis la gaaro
Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay gabdhaha mootooyinka gadaal ka raaca
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho isticmaalka in haweenka gadaal ka raacaan mootooyinka.
Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa meel fagaare ah oo uu ka qeyb-galay isku soo bax lagu taageerayay xeerarkii doorashooyinka u sheegay dadweynaha in haweenka aysan mootoyinka gadaal ka fuuli karin.
“Waxaan hortiina ku mamnuuceynaa maanta gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceyso, hadii la arko gabadhana waa xarig mootadana waa lala wareegayaa”.
Duqa Muqdisho wuxuu sidoo kale sheegay in ay la dagaallamayaan dad uu ku tilmaamay in ay wdaan howlo aan sax aheyn.
“Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidka fasaadka keenayo, kuwaasna waa mamnuuc”
Wuxuu kaloo u digay sida uu sheegay telefishinada qaarkood, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinayaan howlahaas.
Ma ahan markii ugu horeysay oo gobolka Banaadir soo saaro amar lagu mamnuucayo waxyaabo ay isticmaalaan dadka Muqdisho, hore ayuu gobolka u mamnuucay isticmaalka shiishada iyo Taanbuuga.