Suuqyada ganacsiga ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa maanta xiran, iyadoo ganacsatada iyo dadweynuhu ay dhigeen dibadbax looga ashkatoonayo dil loo gaystay saddex haween oo Soomaali ah oo maydadkooda la soo dhigay xaafado kala duwan.
Goobaha laga dukaamaysto ee xaafadda ayaa ganacsigu maanta xiran yahay iyadoo guddiga ganacstadau sheegeen inay ku muujiyanaan siday ugu xun yihiin dilka arxan-darrada ah ee loo gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay ehel yihiin.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii Axmed Sheekh Cabdirixmaan (Axmed Yare) ayaa BBC-da u sheegay inay dowladda jawaab ka sugayaan.
“Waxay ahayd dhacdo aan waligeed na soo marin, taas ayaan nagu kalliftay inaan Soomaalida isugu keeno oo bannaanbax qabo, si meel ugu wada soo jeedsado, dowladdana baaq u dirno” ayuu yiri Axmed Yare.
Dibaxbaxa ka dhacay xaafada waxaa ka qayb galay boqolaal dadweyne oo watay booraar ay ku qoran yihiin sida ugu naxeen dhacdadaas argagax lahayd iyo in ay ka dalbadeen dowladda in dadkaasi cadaalad helaan.
Xildhibaanka degmada Kamakunji oo xaafada Isliina ka tirsan tahay Yuusuf Xasan oo ay weheliyaan xildhibaano kale oo laga soo doorto Nairobi ayaa ka mid ahaa dadka ka qayb galay dibadbaxa lagu cambaareynayey dhacdadan.
Guddoomiyaha guddiga ganacstada Islii Axmed Yare, wuxuu sheegay in xildhibaanada ay la kulmeen ay ku wargaliyeen.
“Siday noogu warrameen senatarka Nairobi iyo Xildhibaanka, waxay la fariisteen taliyaha ciidanka Booliska waxayna ku heshiiyeen in inta aan gabalka dhacin ay sheegeen halka wax u marayaan iyo wax ay qabteen”ayuu intaasi raaciyey.
Wuxuu intaa ku daray in taliyaha booliiska uu sheegay xildhibaanadu in baaritaannadu meel fiican u marayaan ayna rajaynayaan inay dambiilayaasha soo qabtaan.
Guddoomiyaha ayaa BBC-da u sheegay in si amniga kor loogu qaado ay ciidamo dheerad ah lagu sii daynayo xaafadda si ammaanka kor loogu qaado.
“Dadka waa inay feejignaadaan oo dareen yeeshaan oo la is wargaliyo laamaha ammaankana la wargaliyo,” ayuu yiri Axmed Yare.
Isagoo ka hadlayey sida dadka ku nool xaafadda islii ay u feejignaadayaan ayuu yiri “Waa inaan dareen goonni ah yeelannaa, gabdhaha raacaya mootada ama taksi raacaya waa inay taxadaan oo ay haddii ay meel u baxayaan waa inay dad badan isku raacan ama ragga ehelka u ah ay raacaan” ayuu BBC-da u sheegay.
Dadka qaar dibaxbaxa dhigayey oo BBC-da la hadlay ayaa falkaas ku tilmamay masiibo aysan xaafaddu horey ula kulmin.
“Waxaan dowladda ka codsanayaan in cadaaladda la horkeeno oo dadkaas gabdhaha sidaas u dilay la soo qabto” ayey tiri Aamino oo ka mid ahayd dadka dibadbaxa dhigayey.
Axmed oo ka mid ahaa dhalinyarada ganacsatada ah ee maanta xiray ganacsigooda ayaa sheegay inay dalbanayaan in dadkaas la soo qabto.
Sidee ayay wax u dhaceen?
Qaar ka mid ah ehellada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay dalbadeen caddaalad iyo in arrintan baaritaan fiican lagu sameeyo si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay.
Maxamed Guuleed oo ka tirsan qaraabada gabdhaha la dilay ayaa BBC u sheegay in dhacdadani ay aad uga argagaxeen falkaan.
Guuleed oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in hooyada ay subaxii hore aaday isbataal ka dib-na la waayay.
“Maamada al dilay isbataal ayay rabtay inay aaddo. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo ka dib dib dambe uma aysan so hadlin meel ay jirto ayaa la wayay,” ayuu yiri Guuleed.
Waxaa uu intaa ku daray in dhawr saacado kadib taleefanka haweeneyda laga soo wacay labada gabdhood oo ay mid dhashay mid kalana ay habaryar u ahayd oo guriga wada joogay, iyada oo loo sheegay in ay hooyadood ay taalo isbitaal, lagana codsaday in ay u yimaadaan.
Guuleed ayaa xusay in gabdhaha markii la soo wacay ka dib ay aadeen goobtii ay hooyada joogtay iyaga oo qaatay gaari, balse iyaga qudhooda aan dib dambe war looga maqal, ilaa maydkooda la helay subixii xigay.
Baaritaan ay qoysku sameeyeen kadib ayuu sheegay in meydadka saddex dumar ah ay ka soo heleen goobo kala duwan, ayna isugu soo aruuriyeen qolka maydadka lagu keydiyo.
Waxaa uu sheegay in markii uu warka soo gaaray ay noqotay in meydadka oo meelo kala duwan laga helay ay soo uruuriyaan lana geeyo goobta meydadka lagu keydiyo.
“Saddexda qof-ba meydadkooda meelo kala duwan ayaa laga [soo helay], gabadha mid waxaa la dhigay Parkland,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in mid kalana meydkeeda laga soo helay Machakos oo banaanka ka ah Nairobi.
Mid ka mdi ah gabdhaha la dilay ayaa la sheegay in ay da’deeda ahayd 11 jir, waana gabadha ay dhashay haweeneyda la waayay markii hore.
Maxamed Guuleed ayaa sheegay in macluumaadka iyo sida ay wax u dhaceen ay dowladda u gudbiyeen islamarkana ay ku daba jiraan oo ay baarayaan.
Ma aha markii ugu horeysay oo dad sidan oo akle loogu dilay dalka Kenya islamarkana waxaa jira dhowr dhacdo muddooyiinkii u dmabeeyay ka dhacayay gudaha Kenya.